Maxkamada sare ee dalka ayaa ilaa maalinta berri dib u dhigtay go'aan ay ka qaadan laheyd Xildhibaanadii ay dib u celiyeen Gudigii farsamada, iyadoo Saxiixayaasha Road Map-ka ay kulamo ka leeyihiin arrimahan la isku haayo ee is qab-qabsiga badan dhalisay.
Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Avv Ceydiid Cabdulaahi Ilka-xanaf ayaa sheegay in kulamo ku aadan arrintan ay soconayaan, isla markaana ilaa caawa hadii ay wax is bedeli waayaan ay maalinta berri marka ay saacada tahay 8-da subaxnimo go'aan qaadan doonaan.
Avv Ceydiid Ilka-xanaf ayaa sheegay in Madaxtooyada uu kula kulmay Madaxweynaha iyo qaar ka mid ah saxiixayaasha, isla markaana ay xaalada ay dib u dhigeen, ilaa dhinacyadan ay arrintan ka heshiinayaan sida uu yiri.
Cumar Maxamed Maxamuud oo ku magac dheer Cumar Filish oo ka mid ah xubnaha ay dib u celiyeen Gudiga farsamada ayaa sheegay inay ka war dhowrayaan go'aanka Maxkamada sare, isagoo cadeeyay inay si xaq-daro ah ay isbaaro ugu dhigteen shaqsiyaad gaar ah, markii ay soo gudbiyeen magacyadooda beelahooda, waxaana uu rajo ka muujiyay wax uu ugu yeeray in laga xoreeyo dulmiga edeb-darada ku saleysan ee lagu haayo.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo in arrinta Xubnaha dib loo celiyay go'aan laga qaato ilaa laga dooranayo Gudoomiyaha baarlamaanka cusub, taasoo aheyd maanta ay isku raaceen xubnaha saxiixayaasha iyo Beesha Caalamka.
Gudiga Farsamada ayaa horay dib ugu celiyo xubno la soo gudbiyay oo Xildhibaano loo qoray, kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay dambiyo galeen, iyo qaar soo buuxin waayeen shuruudaha.