Wararka liisla dhex maraayo degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegaya in maanta dhaq dhaqaaqyo dhinaca ciidaka ah aad looga dareemayo iyadoona Ciidamo badan oo katirsan AMISOM iyo Dowlada ee ka dhaqaaqeen Degmadaasi. Ciidamada ka baxay Degmada Balcad oo la sheegay in tiro badan yihiin ayna wataan Hubka culus sida Taangiyada ayaa ku baxay laamiga dheer ee aada dhinaca Magaalada Jowhar ee Al-Shabaab kataliyaan halka aay doonayaan in gacanta Kooxdaasi ka bixiyaan. Ciidamada ayaana hada la sheegay in ay ka gudbeen Deegaanka Gololey oo Duleed ka ah Degmada Balcad waxaana dad goob joogayaal ah ay sheegeen in Ciidamada hada ay gaareen Deegaanka lagu Magacaabo mukayga Dheer. Saraakiisha Ciidanka Dowlada ayaa sheegay in ujeedkooda yahay in Shabaab ka saaraan Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/Dhaxe haatan ay ciidanka Magaalada kusii dhawaanayaan ayna filayaan sida ugu dhaw in Magaaladaasu ula wareegaan. Qabarka ku aadan Ciidamada u Ruqaansdaay Jowhar ayaa gaaray dadka Shacabka eek u sugan Magaalada Jowhar waxaana hada Magaaladaasi kajira xaalad kacsanaan iyo cabsi ah ay dareemayaan ddaka Shacabka ah ee kunool. Ciidamadan Duulaanka kusii ah Magaalada Jowhar ayaana aad looga hadal hayaa Maanta Magaalada Jowhar ,Al-Shabaab ayanaa dhankooda u diyaar garoobay sida wararka lagu helayo in Dagaal kala hortagaan Ciidamada Weerarka kusoo ah Jowhar. Dhawaan ayey aheed markii Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM Shabaab kala wareegeen Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhaxe iyagoona waxii xilikaasi ka dambeeyay isku diyaarinayeen duulaano ay ku qabsadaan Dhinaca Magaalada Jowhar oo aad Muhiim ugu ah Magaalada Madaxda Gobolkana ah.