kala Iibsiga Xildhibaanada kamidka noqonaya Baarlamaanka Cusub oo dar dar uga socda Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka

Sunday, August 5, 20120 comments

Waxaa Magaalada Muqdisho maalmahan laga dareemayaa Mashquul ku aadan dhinaca Xulitaanka Baarlamaanka Cusub ee yeelaneyso Dowlada Soomaaliya iyadoona hada uu Magaalada ka jiro baratan loogu jiro sida qof walbo Kursiga beeshiisa u heli lahaa. Beelaha kala duwan Odayaasha Dhaqanka,Siyaasiyiintooda , raga loolaanka ugu jira helida Kursiga ayaa maalmahan si weyn looga dareemayaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelada iyo goobaha kale ee Muhiimka ah ee isugu tagaan Dadkaasi iyaga oo shirar ku leh. Baarlamaankan Cusub oo gaaraya 275-ayaa lagu qeyb saday qaabka Wax weybsiga ee lagu soo dhigay Baarlamaankii lagu soo dhisay Imbagati ee Dalka Kenya sanadii 2004-tii , iyadoona hada Beel walbo la siiyay inta xildhibaan ay ku yeelaneyso Baarlamaanka Cusub lagana doonayo in ay soo gudbiyaan Magacyada dadka ay u doorteen. Beelaha Dhaxdooda ayaa hada isku heesta kursiyada cida ugu fadhiisan laheed iyadoon ay jiraan dad badan oo isku heesta kursiyada yare e beel walbo kusoo aaday kuwaa oo xitaa lacago fara badan bixinaya si ay mar un kursigaa ugu fadhiisan lahaayeen. Qurbo joog fara badan oo lacago Boorsooyinka ku wata ayaa Magaalada soo gaaray kuwaa oo rajo ka qaba helida kursiga beeshooda iyadoona hada ay socoto gudbinta magacyada dadka u matalaya beelaha Soomaaliyeed Baarlamaanka Cusub qaarkoodna magacyadooda diyaarsadeen halka kuwa kalana ay wali isku dhaganyihiin. Magaalada ayaana laga dareemayaa Mashquulka Baarlamaanka cusub ee lasoo xulayo iyo ansixinta Dastuurka iyadoona hada la dadajinayo helida magacyada Baarlamaanka Cusub si uu shn waqti dheer u qaadan marka la ansixiyo Dastuurka Durba horey loogau dhawaaqo Xubnaha Baarlamaanka oo iyagana laga doonayo in ay soo doortaan Gudoomiye Baarlamaan si Agoust 20-keeda loo doorto Madaxweyne.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog