Guddoomiyihii Hore ee baarlamanka Soomaaliya xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Madoobe” ayaa Madaxda Qaranka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ku Amaanay sida ay uga go’antahay in marxalada kumeel gaarnimada ah laga gudbiyo dalka isagoo dhinaca kalana sheegay in maleeshiyaadka shabaab ay boob iyo cadaadis ku hayaan dadka ku nool deegaano ka tirsan gobalka Bakool. Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa xusay in uu aad ugu faraxsanyahay isbadalada ka jira dalka maadaama uu furmay shirkii lagu ansaxinlahaa dastuurka cusub ee uu dalku yeelanayo iyo sida ay madaxda dowladda uga go’antahay ka bixida KMG. Sheekh Aadan ayaa intaa ku daray in maleeshiyada shabaab ee ku sugan qeybaha ka mid ah gobolka Bakool ay dhibaatooyin u geystaan dadka shacabka ah iyagoona ka hor istaagay in la geeyo raashiin deeganada ay gacanta ku hayaan shabaab.