Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo saaka la wareegay deegaano hor leh oo ka tirsan Sh/Hoose

Monday, August 27, 20120 comments

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saaka la wareegay deegaano u dhaxeeya Nambar Lixdan iyo Shalanbood, iyadoo saaka cabsi ay ka jirto magaala madaxda Shabellaha Hoose ee Marka, halkaasoo ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay deegaanada lagu magacaabo Ceel Wareeg oo u dhaxeeya deegaanka Buufow iyo Shalanbood oo ah degmo muhiim ah.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in duulaanka uu yahay mid qorsheysan oo ku wajahan sidii ay u qabsan lahaayeen magaalada Marka sida uu yiri.

"Saaka waxaa shacabka Shabellaha Hoose u baryay waa cusub, nimankii meesha waa ka baxeen, Ciidamada waxay ku socdaan saf ballaaran min deex, Laami ilaa dhinaca Wabiga"ayuu yiri C/qaadir Siidii.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada isbaheysanaya ay kaabiga ku hayaan degmada Shalanbood oo ah meel muhiim ah oo u sahleysa inay la wareegaan magaalada Marka, maadaama ay isu jirto ilaa 15-KM.

Saraakiil ka tirsan dowladda oo diiday in la xigto magacooda ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay qorsheynayaan inay la wareegaan magaalada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose, oo ka mid ah magaalooyinka xeebaha ku yaal.

Si kastaba ha ahaatee duulaankan cusub ee ay qaadeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo labadii maalmood ee u dambeeyay ay Ciidamo fara badan ka tirsan AMISOM ku qul qulayeen degmada Afgooye.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog