Ra'iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas oo noqday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay muhiim tahay in si wada jir ah go'aan u gaaraan Saxiixayaashii Road Map-ka.
Isagoo ka hadlayay muranka xoogan ee maalmahan ka taagnaa Xildhibaanada laga reebay Baarlamaanka ee lagu eedeeyay inay dambiyo galeen ayaa sheegay in aanay jirin cid si gaar ah go'aan uga gaari karta.
"Saxiixayaasha waa badan yihiin, inta la isugu yeero oo go'aan la gaaro weeyaan, cid gaar ah oo go'aan gaari karto ma jirto"ayuu yiri Dr. C/wali Gaas.
Waxaa uu sheegay inta gudubtay ee Xildhibaanimada heshay ay yihiin kuwo shuruudihii buuxiyay, isla markaana la hubiyay, isagoo xusay in wixii dambi uusan laheyn lagu reebay aysan raali ka aheyn.
C/wali Gaas ayaa sheegay inay muhiim tahay in Odayaasha dhaqanka iyo Gudiga farsamada ay fariistaan, si ay uga hadlaan in la soo bedelo xubnihii laga diiday.
Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa ka soo horjeestay go'aanka Madaxweynaha, isagoo xusay in dad dambiyo galay aanay habooneyn in loo dacwoodo, isla markaana cidii u dacwoota ay la mid tahay.
"Ninkii u dacwoonaya nin xun, isagana waa la mid, in dalkaan dadkii bur buriyay ee dagaal oogayaasha ahaa waxaa wehliya nimankii Maxaakimta, dadkaas u dacwoonaya, dadkii Soomaaliyed ha yimaadeen, ee wadada ha u baneeyaan dadka wanaagsan"ayuu yiri C/raxmaan Faroole.
Faroole ayaa sidoo kale sheegay in Odayaasha la qasabayo, isla markaana ay jiraan dad aqoonyahano, siyaasiyiin iyo ganacsato nadiif ah oo beelaha ku jira, kuwaasoo uu xusay in loo diidan yahay in Baarlamaanka ka mid ahaadaan sida uu yiri.
Muranka ku saabsan xubnaha la reebay ee Baarlamaanka ka mid noqon lahaa ayaa maalmihii u dambeeyay meel sare gaartay, iyadoo arrintan ay soo fara gelisay Maxkamada sare ee dalka, si ay go'aan uga gaarto.