Ciidamada Itoobiya oo Maanta Dilay Sheekh Cismaan Cabdi Faarax iyo Sadax Qof oo kale rayid ah

Thursday, August 9, 20120 comments

Waxaa Maanta Gudaha Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka dhacay Qarax xoogan oo lala eegtay Booyad iyo gawaari dagaal ay wateen Ciidamada Dowlada Itoobiya ee kusugan Magaaladaasi.

Qaraxa ayaa la sheegay in la eegtay gaariga Booyada ah iyadoona la sheegay in gaarigaasi uu qasaare xoogan kasoo gaaray Qaraxaasi iyo gawaaridii kale ee lasocotay ay wateen Ciidamada Itoobiya.

Qaraxa kadib ayaana Ciidamada Itoobiya waxa ay fureen Rasaas Xoogan iyagoona halkaasi ku dilay ilaa Afar qof uu kujiray Wadaad caan ka ahaa Magaaladaasi oo lagu Magacaabi jiray Sheekh Cismana Cabdi Faarax.

Ciidamada Itoobiya ayaa sidoo kale xir xiray Dhalinyaro badan oo kusugnaa halka uu qaraxu ka dhacay iyagoona howlgalo mudo qaatay halkaasi kawaday xirayna isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Xaalada ayaa hada ah mid dagan waxaana dib u bilowday isku socodka Dadka iyo gaadiidka kadib markii Ciidamadii Itoobiyaanka ah ay ka tageen halkii lagu qarxiyay ayna aadeen Saldhigyadooda.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog