Codeynta Doorashada Gudoomiye kuxigeenka 1aad ayaa hada bilaabatay

Tuesday, August 28, 20120 comments

Iyadoo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ku guuleystay Prof, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, markii uu tanaasulay Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa waxaa halkeeda ka sii bilaabatay doorashada Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa hada bilaabay inay u codeeyaan musharaxiinta u taagan xilka Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka oo gaaraya ilaa sagaal musharax, iyagoo goobta fadhiya.


Gudoomiyaha KMG Jen, Muuse Xasan Cabdulle ayaa sheegay in doorashada ay halkeeda ka sii soconeyso, isla markaana uu isaga sii wadayo howsha ilaa caawa, markaas oo uu si rasmi ugu wareejinayo xilka Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka.


Codeynta ayaa u socota hab qarsoodi ah, xildhibaanada ayaa qol galaya, dabadeedna waraaq ay ku qoran yihiin musharax walba magaciisa oo ay calaamad saarayaan, dabadeedna ay ku ridayaan labo sanduuq oo goobta la dhigay.


Marka ay dhamaato doorashada Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka ayaa waxaa ku xigi doona doorashada Gudoomiye kuxigeenka labaad, waxaana qorshaha yahay in maanta ay dhamaato doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Labadiisa kuxigeen.


Hey'adii u horeysay oo Dastuuri ay ayaa la doortay, taasoo aan KMG aheyn, waana markii u horeysay muddo 20-sano ah oo dalka lagu doorto Baarlamaan Federaal iyo Gudoomiye Baarlamaan.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog