War Deg Deg Ah Prof. Maxamed Cismaan Jawaari oo ku Guuleestay Gudoomiyaha Baarlamaanka kadib markii Cali Khaliif galeyr uu Tanaasulay

Tuesday, August 28, 20120 comments


Waxaa goordhaw shaaciyay in uu tanaasulay Prof Cali Khaliif Galeyr oo isagu kusoo haray Wareega labaad waxa uuna sheegay in uu go’aansaday in uu tanaasulo uuna u hambalyeeyo Gudoomiyaha Cusub Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Prof Cali Khaliif Galeyr ayaana sheegay in uu jecleestay in uusan waqtiga sii lumin uuna u tanaasulo Saaxiibkiis Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Waxaana hada si rasmi ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya u noqday Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari halkaasna loogu soo dhaweeyay farxad iyo sacab fara badan.

Gudoomiyaha KMG ee Baarlamaanka ayaana sheegay in uu ku guuleestay Prof Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waxii xiligan ka dambeeyana uu yahay Gudoomiyaha Rasmiga ee Baarlamanaka Soomaaliya.

Prof Jawarai oo isna goordhaw hadlay ayaa aad ugu hambalyeeyay Musharixiintii kale ee la tartamay gara ahaan Cali Khaliif Galeyr ,waxa uuan Gudoomiyaha KMG Ka codsaday in Shaqada ay sii wadaan gara ahaan doorashada labada Gudoomiye ku xigeen.

Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog