Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ku guuleystay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow waxaa ammaankiisa la wareegay Ciidamada ammaanka oo isugu jira Ciidanka AMISOM iyo kuwa Nabadsugida.
Ciidamada Ammaanka ayaa durba isku gedaamay Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, markii lagu dhawaaqay, isagoo haatan fadhiyo kursi oo ay hareeraha ka taagan yihiin Ilaalo gaar ah.
Inkastoo horay loo sii saadaalinayay in Prof, Jawaari ku guuleysanayo, hadana waxaa muuqatay inuu galay tartan adag oo uu la galay xubno horay ka soo mid noqday Dowladihii hore.
Markii uu dhiibanayay codkiisa codeyntii Gudoomiye kuxigeenka 1aad oo hada socda ayaa Prof. Jawaari intuu uu codkiisa ku ridayay sanaadiiqda waxaa hareeraha ka taagnaa Ciidamada ammaanka, waxaana la siiyay qaab Baratocol ah, maadaama uu yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ah hey'ada ugu sareysa dalka marka oo Dastuuri ah.
Sida caadada aheyd Madaxda dowladda waxaa ammaankooda qaabilsanaa Ciidamada AMISOM iyo Ciidamo gaar ah oo isugu jira kuwo ku heyb ah iyo kuwa kale, waxaana ammaankooda mas'uuliyad ka saarnaa Ciidanka AMISOM.
Gelinka hore ayaa Gudoomiyihii hore Baarlamaanka Shariif Xasan iyo Ra'iisul Wasaarihii hore C/wali Gaas labadaba lagu war geliyay inay kala baxaan xarunta doorashada Ilaaladooda, maadaama ay yihiin Xildhibaano la siman kuwa kale.

Caawa ayaa la filayaa in Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Prof, Jawaari inuu ku hoydo Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, isla markaana lagu galbiyo gaadiidka qafilan ee Ciidamada AMISOM.