C/raxmaan Ibbi oo Soo ahaan Jiray Wasiir Iyo Xubno Kale oo Laga Reebay Liiska Baarlamaanka waa Maxay Sababta Looga reebay

Friday, August 17, 20120 comments

Guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka Soomaaliya ayaa wasiirro iyo siyaasiyiin hore ka reebay liiska xubnaha ka mid noqonaya baarlamaanka cusub. 

Xubnaha la soo celiyay waxaa ka mid ah, C/laahi Sh. Ismaaciil oo soo noqday wasiirkii arrimaha dibedda, C/raxmaan Ibbi, wasiirkii kaluumaysiga iyo C/casiis Sheekh Yuusuf oo ah wasiirka caafimaadka.

Xubnaha ayaa lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen hoggaamiye kooxeedyadii dagaalka ee Soomaaliya, eedaasi oo ay si weyn u diideen.

Odoyaasha dhaqanka ee xubnaha la soo celiyay si weyn u diiday in dib u soo celinta waxayna guddiga farsamada ku eedeeyeen inaysan xaq u lahayn in xubnahooda ay soo celiyaan.


Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog