Xarakada Alshabaab ee ka arimisa gobalka Hiiraan ayaa Tababar usoo gaba gabeysay Boqolaal ka tirsan ciidamada mujaahidiinta oo bilihii lasoo dhaafay ay tababarro uga socdeen deegaanno ka tirsan wilaayada.
Mas'uuliyiin ka tirsan wilaayada Hiiraan ayaa ka qeyb galay munaasabad ballaaran oo maanta ka dhacday Buulaburte halkaasi oo ciidanka muslimiinta tababarka loogusoo xidhayay.
Waaliga magaalada Buulaburte oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ciidankan ay ku biiri doonaan ciidamada kale ee Amxaarada Itoobiya ku hor fadhiya degmada Beled Weyne.
"Maanta waxaan taagannahay Mucaskarka Khaalid Bin Waliid ee Wilaayada Hiiraan waxaa halkan tababar ku qaatay ciidamada Mujaahidiinta" ayuu yiri waaliga Buulaburte.
Mas'uuliyiinta wilaayada Hiiraan waxay sheegeen in muddo Afar bilood ah uu tababarkani u socday macalimiinta iyo Ardayda dugsiyada kuwaasi oo go'aansaday in ay tababar qaataan.





