R/wasaarahii Ethiopia Meles Zenawi oo geeriyooday

Tuesday, August 21, 20120 comments

R/wasaarihii Ethiopia Meles Zenawi ayaa la sheegay in uu ku geeriyooday Cisbital ku yaala dalka Biljim, kadib xanuun in muddo ah uu la ildarraa.

Dalka Ethiopia ayaa waxaa ka billowday baroordiiq loo sameynayo hoggaamiyahoodii geeriyooday, iyadoo geerida Melles ay si rasmi ah u shaacisay dowladdaasi, in kastoo maalmihii u dambeeysay la isla dhex marayay warar sheegaya geerida Melles.

Hailmariam Desalegn oo ah R/wasaare ku xigeen iyo Wasiirka Arrimaha dibadda ayaa si la sheegay in si KMG ah u sii hoggaamin doono dowladda Ethiopia.

Meles Zenawi ayaa sanadkii 1995 loo doortay in uu noqdo R/wasaaraha dalkaasi isagoo xilligaasi ka horna ka mid ahaa Jabhadii xukunka ka tuurtay Mingisto Xeyle maryam oo dalkaasi xukumayay Muddo dheer.


Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog