Daawo Sawirada "Madaxweyne Shiikh Shariif Oo Casho Sharaf U Sameeyey Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir "

Friday, August 17, 20120 comments

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa caawa casho sharaf u sameeyey gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Casho sharaftan oo ka dhacday qasriga Madaxtooyada Qaranka ayaa waxaa kasoo qeybgalay dhammaanba gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho oo ay wehliyeen kuxigeennadiisa iyo fanaaniinta kooxda deegaan waxaana casho sharafta kadib goobta laga jeediyey khudbado kala duwan.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ugu horeyn Munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa uga mahad celiyey Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed casuumaada uu u sameeyey gudoomiyeyaasha degmooyinka waxaana uu dhanka kale tilmaamay gudoomiye Tarsan in Muqdisho ay maanta sharaf u tahay marti gelinta shirarka looga hadlayo aayaha dalka iyo in caasimadda lagu dhiso Dowladda cusub ee dalka hogaamin doonta.

“Waad la socotiin markii Madaxweyne Sheekh Shariif xilkaan loosoo doortay sida ay xaaladdu aheyd meel walba oo magaalada ka mid ah wey qasneyd,maantase waad u jeedaan xaaladda halka ay joogto iyo isbedellada hormarineed ee Muqdisho ka jira, isbedelladaasna waxaa hormuud u ah Madaxweynaha waxaanna rajeynayaa inuu Alle mar labaad noosoo celiyo si aynu hormarka aan hiigsaneyno u gaarno” ayuu yiri Duqa magaalada Muqdisho.

Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ku ammaanay gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir kaalintii firfircooneed ee ay ka geysteen isbedellada dhinacyada kala duwan ee caasimadda Muqdisho ka jira waxaana uu kuu guubaabiyey iney dadaalkooda sii laba jibaaraan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ugu dambeyntii Munaasabadda ka jeediyey khudbad qiimo leh oo uu dhinacyo kala duwan ku taabtay ayaa ugu horeyn gudoomiyeyaasha degmooyinka uga mahad celiyey sida ay casuumadiisa u aqbaleen waxaana uu ku ammaanay sida ay shacabka gobolka Banaadir ugu adeegayaan.

“ujeedada aan munaasabadan casho sharafta ah u sameynay waa inaan gudoomiyeyaasha degmooyinka uga mahad celino shaqadii adkeyd ee ay qabteen iyo iskaashigii ay mujiyeen waayo qofna kaligiis wax ma qaban karo hadii aanan la iskaashan, marka shaqadii badneyd ee aad qabateen Alle ajir ha idinka siiyo” ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynaha oo sii watay hadalkiisa ku aadan isbedellada caasimadda ayaa markale yiri “shaqada badan ee la qabtay ama laga qabtay Muqdisho ma ahan mid naga wada qarsoon oo cil walba ayaa og waayo Muqdisho waxaan xusuusanaa xili aanan la tegi karin Florance isgoyska xararyaale maantane Alle mahadii saacadaan intaan caawa halkaan ku qabsano munaasabad ayuu qof walba meeshuu doono u hoyanayaa,shaqadaasna mas’uuliyiin,ciidan iyo cid walba gacan ayey ka geysatay”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in maanta dadku ay heystaan fursad qiimo leh taasi oo ah iney usoo wada jeesteen hormarka dalka oo ay kasoo laabanayaan wadadii ay shalay dalkooda ku bur buriyeen.

“waxaan ognahay Muqdisho in dad badan lagu dulmiyey,dad badan dulmi lagu dilay oo maanta dhulka hoostiisii jiraan laakiin manta Alle mahadii dadku hormarka ayey usoo wada jeesteen,waana xaqiiqo qofka hadii uu madaxa ka xanuunsanyahay jirka intaase kale uma fayooba waxaanna ula jeedaa hadii ay caasimaddu jirantahay meel fayoow dalka malahan balse hadii ay hagaagsantahay dalka intiisa kale wuu hagaagayaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadalkiisa sii watay ayaa xusay in isbedellada hormarineed ee maanta Muqdisho ka jira ay sabab u yihiin qurba joogtii dalka kusoo laabtay ee aqoontooda lasoo laabtay waxaana uu ku dhiirageliyey qeybaha kala duwan ee umadda iney sii wadaan hormarkaasi.

“magaaladan waxey nasiib u yeelatay iney noqoto caasimadda dalka, hormarro badan ayaana maanta ka jira laakiin hormarradaasi waxaa jira cudur dhaawici kara waana nadaafad darrada waayo Nabigeenna Maxamed NNKH wuxuu noo sheegay in Nadaafaddu ay tahay iimaanka niskiisa ayadana waxaan idiin dardaarmayaa inaad fiiro gaar ah u yeelataan oo laga wada shaqeeyo”ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay muhiimadda ammaanka Caasimadda waxaana uu xusay in ammaan la aantiis aysan nolol jirin sidaasi darteedna ay tahay lagama maarmaan in amniga laga wada shaqeeyo.

“waxaad la socotiin amnigu waa muhiim laakiin magaaladan dadka degan hadii ay arkaan qof dulmi lagu dilayo iney qofka wax dilaya gacanta qabtaan iska daayee iney xitaa hay’adaha amniga war geliyaan ma dhacdo marka waxaa la rabaa in amniga muhiimadiisa aan fahanno oo laga wada dhaqeeyo,gudoomiyeyaasha degmooyinkana waxaa laga rabaa iney dadka wacyi geliyaan waayo ciidammada kaliya amniga masuul kama ahan hadii aanan lala shaqeyneyn ama garab la siineyn” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Sheekh Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxadweynaha Jamhuuriyadda oo hadalkiisa ku aadan ammaanka watay ayaa xusay in amniga mas’uuliyad u qof walba ka saaran yahay sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay ineynu iskaashano isaga oo intaa ku daray “waxaad la socotiin markii Bakaaro la qabtay oo la xoreeyey wey isku dayeen Al-Shabaab laakiin ganacsatadii iyo dadkii waxey gacan siiyeen hay’adaha ammaanka taasina waxey suurta gelisay in qofkii isku daya inuu wax qarbudo la qabto ama la dilo,taasina waxey horseeday in suuqa si amni ah loogu ganacsado”

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dhanka kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay isku xirka bulshada waxaana uu xusay in bulshada hadii ay isku duubnaadaan oo ay isku xirmaan ay adkaaneyso in cadawga kasoo horjeeda hormarkooda uu ka faa’ideyso ama uu carqaladeeyo hormarka ay bulshadu hiigsaneyso.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney si wadajir ah ugu istaagaan hormarka dalkooda waxaana uu xusay in maanta ay lagama maarmaan tahay in laga faa’ideyso fursadda la heysto maadaama ay dadku wada garteen muhiimadda ay leedahay dowladnimada iyo difaacidda Qarannimadooda.



















Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog