Waxaa Dhawaan Magaalada Muqdisho soo gaaray Ciidamo Booliis ah oo katirsan AMISOM kuwaa oo qeyb ka qaadanaya sugida amaanka Magaalada Muqdisho oo la filayo in dhawaan ka dhacaan Doorashooyin.
Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay soo gaareen magaalada Muqdisho ka qeyb qaadan doonaan xaqiijinta ammaanka, isagoo tibaaxay in Ciidamadan ka socdaan dalka Uganda.
Col Xaamud oo la hadlay Idaacada BBC-da ayaa sheegay in Ciidamadan ay horu-dhac u yihiin Ciidamo kale oo Boolis ka imaanaya Nigeria, Sierra Leone iyo Jabuuti oo ah Ciidamo Boolis ah oo aan aheyn Ciidamada Milateriga AMISOM.
"Ciidamadani maanta ilaa doraad ayay Muqdisho imaanayeen, waa Ciidamo Boolis ah oo howl gaar ah la galaya Ciidamada Booliska Soomaaliyed, hada Ciidamada ugu horeeya waxay ka yimaadeen dalka Uganda"ayuu yiri Col. Xaamud Afhayeenka Ciidamada AMISOM.
Mar la weydiiyay howlaha ay sida gaarka ah u qabanayaan Ciidamada ayuu sheegay in howsha ugu horeysa tahay sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka shacabka, kana howl galayaan Saldhigyada Booliska sida uu yiri.
Ururka Midowga Afrika ayaa dhowaan shaaca ka qaaday in Ciidamo Boolis ah u soo dirayo si ay uga qeyb qaataan sugida ammaanka Muqdisho, kadib markii Al-Shabaab laga saaray magaalada, iyadoo Ciidamada Milateriga AMISOM ay banaanka uga baxeen markii u horeysay magaalada Muqdisho.