Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa la filayaa inuu kala diro Baarlamaanka Soomaaliya ee waqtigiisa sii dhamaanaya, iyadoo lagu wado in dhowaan la soo xulo Baarlamaan cusub oo ka yar kan hada waqtigiisa gaba-gabada marayo ee ka kooban 550-Xildhibaan
Sida ay sheegayaan wararka Madaxweynaha ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ku guda jiray qorshayaasha uu ku kala dirayo, waxaana arrintan tahay mid soo dedejisay iyadoo uu dhow yahay waqtiga ay dhaceyso doorashada Madaxtinimada Soomaaliya, sida Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa shirar la qaatay sharciyaqaanada dowladda, taasoo awood u siineysa in marka ay soo dhowaato mudada baarlamaanka ku eg yahay inuu ku kala diro, waxaana lagu wadaa in qodobo ku aadan Dastuurka cusub iyo kan Axdigii KMG u isticmaalo awoodiisa uu ku kala dirayo, inkastoo uu horay u laalay qodobo ka mid aha Axdigii Mbgathi lagu soo dajiyay.
Ilo wareedyo ku sugan Madaxtooyada ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweynaha Shariif in 24-ka saac ee soo socota ka soo saari doono Wareegto ku aadan kala dirista Baarlamaankii hore, si Baarlamaanka cusub ee 275-ta ka kooban lagu soo dhoweeyo.
Sidoo kale Madaxweyne Shariif ayaa kulan gaar ah kula leh Madaxtooyada Diblomaasiyiinta Shisheeye ee ku sugan magaalada Muqdisho, iyadoo kulankan uu qeyb ka yahay kulamo Madaxweynaha uu waday maalmahan.
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa xoojiyay ololihiisa ku aadan doorashada madaxtinimada, waxaana Muqdisho uu ka wadaa olole ballaaran oo uu ku doonayo in dib mar kale loogu doorto.
Si kastaba ha ahaatee kala dirista ayaa ku soo beegmeysa iyadoo wali uu muran ka jiro habka soo xulista Baarlamaanka oo odayaasha dhaqanka ku jahwareersan yihiin, halka beelaha qaarna ay ku tilmaameen mid laaluush lagu bixinayo soo xulida Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka soo socda.