Iran oo dalalka khaliijka ku eedeysay taageerista burcad badeedda Soomaalida.

Sunday, August 5, 20120 comments

Dowladda iiraan ayaa dowladaha khaliijka waxa ay ku eedeeysay in taageero lixaad leh ay siiyaan kooxaha burcad badeedda soomaalida islamarkaana ay ka saacidaan sidii ay u soo afduuban lahaayeen maraakiib ganacsi oo mareysa gacanka carbeed iyo badda cas. Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada badda dowladda iiraan oo lagu magacaabo Max’ed nadiiri ayaa sheegay inay hayaan xog buuxda oo ku saabsan in dowladaha ku yaala khaliijka siiba dowladaha imaaraadka , sacuudiga iyo dowladda yeman oo khaliijka ka baxsan ay taageeraan kooxaha burcad badeedda soomaalida , iyagoo mararka qaar siiya doonyo ay ku howlgalaan si ay u soo afduubtaan maraakiib mareysa biyaha caalamka. "Si looga taqaluso burcad badeedda waa mid sahlan oo fudud balse waxaa in la ogaado ah in burcad badeeddu inay taageero ka helaan dowlado awood leh”ayuu yiri Max’ed nadiiri oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada badda dowladda iiraan. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowladaha khaliijka oo ku aadan eedeyntan iiraan ay u soo jeedisay , waxana dowladda iiraan ay qeyb ka tahay in ka badan 30 dowladood oo ka qeybqaata howlgallada ka dhanka ah burcad badeedda soomaalida oo sanadkii 2008da laga bilaabay biyaha Somalia.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog