Madaxweynaha Dowlada KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Maanta Cafis u fidiyay in kabadan 200-Maxbuus oo u badnaa Dhalinyaro Al-Shabaab katirsanaa sidoo kalan ay ku jireen Dad Ajaaniib ah iyo tiro Haween ah.
Madaxweynaha ayaana Munaasabada Ciida owgeed waxa uu cafis u fidiyay 219-Maxbuus kuwaa oo kujiray Xabsiga dhaxe iyadoona Xusid mudan tahay dadka lasiidaayay in ay ku jiraan 7-Nin oo Ajaaniib ah oo u kala dhashay Tanzaaniya iyo Zinzibaar iyo sidoo kale waxaa Maxaabiista ku jiray 8-Haween ah.
Wasiirka cadaalada Iyo garsoorka Axmed Gaboobe Ugaas Bille oo ka hadlayay Munaasabada ragaasi lagu siideenayay ayaa kula dardaarmay dadkii lasii dayay in ay ka toobaad keenaan waxyaabihii qaldanaa ee markii hore loo soo xiray.
Ugaas Bille ayaana ugu baaqay Dhalinayarada lasii daayay oo u badnaa Dhalinyaro Shabaab ah in ay ka toobad keenaan dambiyada ay galeen ayna sidoo kale cafis ka dalbadaan dadkii ay dambiyada ka galeen ayna dileen,isagoona sheegay in Howlihii ay ku jireen ay ahaayeen kuwa Qalad iyo Dambi ahaa.
Maxaabiista lasii daayay ayaa wajiyadooda waxaa ka muuqday Dareen farxadeen soona dhaweeyay in ay helaan Xuriyadooda xili horey loogu xukumay inta u dhaxeysa 5-Sano ilaa 15-Sano oo Xabsi ah.