Daawo Sawirada "Madaxweyne Shariif oo u hambalyeeyay Gudoonka cusub ee Baarlamaanka, kadib kulan uu la qaatay"

Thursday, August 30, 20120 comments

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa u hambalyeey guddoonka cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya isagoo dhinaca kale tallaabo taariikhi ah ku tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay 42 sano kaddib ku guuleystaan inay baarlamaan ku doortaan waddankooda.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen madaxweyne Shariif, guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen iyo guddoomiyihii KMG ahaa ee Baarlamaanka, ayuu madaxweyne Shariif ku sheegay in howl wanaagsan ay qabteen mudaneyaasha Baarlamaanka iyo guddigii doorashada isla markaana la doonayo in howsha dhimman la dhammeystiro.

“Waa taariikh cusub oo Soomaaliya u bilaabaneysa, waxaana rajeyneynaa hadduu Alle idmo inay sidaas isu dabo socoto, dowladda soo socotana ay noqoto middii Soomaaliya ay uga baxeysay dhibaatooyinkii faraha badnaa ee soo gaaray, horumarka jirana dhammeystiri lahayd” ayuu yiri madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Cismaan Jawaari oo shirka jara’id ka hadlay ayaa sheegay in doorashadii dhacday ay ahayd mid taariikhi ah, baarlamaanka cusubna uu yahay mid tayo leh oo wax badan ka qaban doono xaaladaha waddanka ka jira.

“Waxaan filayaa baarlamaankani inuu yahay baarlamaan aad u fiican, waxaan hubaa inuu noqon doono mid ku tallaabsada in isbedel uu Soomaliya gaarsiiyo iyo xasilooni siyaasadeed hadduu Alle idmo” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Gudoomiyaha cusub Prof. Jawaari ayaa si KMG ah loo dejiyay Guri ku dhow Madaxtooyada, inta uu ka degayo guriga rasmiga ee Gudoomiyaha Baarlamaanka la dajiyo, kaasoo uu haatan si KMG ah u degan yahay Gudoomiyihii hore Shariif Xasan.

Shacabka Soomaaliyed ayaa soo dhoweeyay Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya, Prof, Jawaari oo ku tilmaamay nin aan ka qeyb qaadan dagaaladii sokeeye ee dalka ka jiray.

Prof. Jawaari waa 66-sano jir, Dowladii hore ayuu xil wasiir iyo agaasimayaal ka soo noqday, waxaana mudadii bur burka uu degnaa dalka Norway oo uu Macalin ka ahaa Dugsiyada dalkaas ku yiil.

Baarlamaanka cusub ayaa la filayaa inuu soo doorto Madaxweyne cusub, xilli musharaxiin fara badan ay u taagan yihiin xilka madaxtinimada Soomaaliya.












Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog