Coleen Rooney oo lagu arkayay goobaha habeenkii lagu caweeyo ee Manchester ,Halkii laga rabay in ay xanuunka la qaybsato Ninkeeda Wayne Rooney oo dhaawac weyn uu ka soo gaaray kulankii ugu dambeeyey ee kooxdiisa Manchester United ay la dheeshay kooxda Fulham ee Horyaalka Ingiriiska ayaa Coleen Rooney taa beddelkeeda intay boggeeda Twitter-ka ku qortay “Ninkeyga Rooney oo laga soo saaray Isbitaalka gurigana la keenay” waxay u labisatay in habeenkii Sabtidii in ay wareegto Goobaha lagu caweeyo ee Magaallada (Night Club).
Coleen oo 26-jir ah ayaa intay u labisatay si cajiib ah, xiratayna dhar qaali ah, Surweel madoow oo ku dheggan iyo funaanad hoos gashi ah oo uu ku sawiran yahay Dameer Faroow waxay u dhaqaaqday dhinaca bartamaha magaallada Manchester, iyadoo la arkayay nin Dallad uga ilaalinaya korkeeda dhibcaha Roobka.
Dhinaca kale Weeraryahanka kooxda Man United Wayne Rooney ayaa qalliin lagu sameeyey lagu guuleystay, waxaana laga saaray Isbitaalka iyadoo la geeyey gurigiisa, balse warka naxdinta leh ee taageerayaasha United ay soo gaaraya ayaa ah in Rooney uu u baahan yahay soo kabasho dheer oo ugu yaraan 2-Bilood uu kaga maqnaan doono garoommada.
Dhaawacyadan ku soo noq noqonaya Rooney ayaa sii murjinaya waayihiisa ciyaareed, iyadoo 26-jirkani intii u dhexeysay 2004-2007 uu saddex jeer ka jabay Lafaha faraha hore ee Cagta.