Haweenka kunool Mid kamid ah Wadamada Afrika oo joojinaya Macaamilka Ragooda kala dhaxeeya(Waa Maxay Sababta)

Thursday, August 30, 20120 comments

Kooxaha Mucaaridka Dalka Gableedka Afrika ku yaala Ee Toogo ayaa haweenka dalkaas, ugu baaqay inay ku dhaqaaqaan, shaqo joojin dhinaca sariirta iyo wada macaamilka ragooda ah, si ay xoojiyaan dedaalada lagu doonayo in madaxweynaha dalkaasi talada ka dego.

Hogaamiyaha Midowga Mucaaridka dalka Togo oo lagu magacaabo, Isabelle Ameganvi, ayaa haweenka dalka Togo ugu baaqday in muddo todoba cisho ah ama hal todobaad ah, ay ragooda ku cidleeyaan sariirta, kana diidaan, wada macaamilka qoysnimo, si cadaadis ay u saaraan madaxweynaha dalkaas, President Fourier Jasinajabi oo talada dalka hayay tan iyo sanadkii 2005.


Haweenaydan hogaamisa mucaaridka dalka Togo ayaa ku doodaysa in xidhiidhka qoysnimo iyo wada macaamilka sariirtu yahay, hubka ugu wayn ee ay ku dagaal gali karaan, mucaaridka dalkaasi gaar ahaan haweenku.


Kooxda mucaaridka Togo ee isugu yeedha “Badbaadinta Togo” ayaa afhayeenay u hadashay sheegtay, in ay go’aankan u qaateen, sidii ragga taageera madaxweynaha dalkaas, Fourier Jasinajabi ay raggooda ugu qasbi lahaayeen inay codkooda maqlaan.


Haweenaydan oo u waramaysay wakaaladaha wararka dunida ayaa tidhi, “Waanu og-nahay in aanaan haween ahaan awood kale lahayn, laakiin waxaanu haysanaa hub culus oo naftayada ku duugan, kaas oo haddii aanu adeegsano ragu noo soo joogsanayaan, sidaa awgeed haddii haweenka reer Togo Muddo Todobaad ah, lugaha isaga martaan, ragooda waa hubaal in wax kastaa noo suura gali karo.” Ayay tidhi afhayeenka mucaaridka Togo.


Qaabkan cusub ee ay miciinsadeen haweenka Togo ayaa noqonaya mid ku cusub dunida iyo qaarada afrika, hasa yeeshee waxa ay dad badani ka dhursugayaan, waxa ay ku dhamaan doonto iyo sida ay uga dhabayn doonaan haweenka dalkaas oo in badan oo ka mid ahi aanay awood sidaa u buuran oo ay ragooda ku diidi karaan lahayn.

Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog