Shirka magaalada Nairobi ku dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya ,Xubnaha saxiixeyaasha Roadmap-ka iyo Hellary Clinton Xog’hayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa diirada lagu saaray marxaladda cusub ee uu galayo wadanka.
Kulanka oo galabta si rasmi ah u bilowday ayaa waxaa hadal hor dhac ah ka jeedisay Hellary Clinton Xog’hayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka oo ugu horreyntii ku amaantay madaxda dowladda Soomaaliya horumarrada ay ka gaareen Dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda dalka ,iyadoo dhanka kale soo dhoweysay waxqabadka ay muujisay dowladda Soomaaliya ansixinta dastuurka iyo qaabka loo soo xulayo xubnaha cusub ee barlamanka kuwaas oo dooranaya Guddonka cusub ee barlaamanka iyo Madaxweynaha.
Clinton ayaa tilmaantay in Mareykanka uu si weyn ula dhacsanyahay isbedellada ka socda Soomaaliya gaar ahaan hananka lagu meelmarinayo geedi socodka nabadda waxa ayna carabka ku adkeysay in Mareykanka uu taageero dhan walba ah siinayo Dowladda iyo Shacbiga Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Dowladad Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo kulanka kadib la hadlay saxaafadda ayaa tilmaamay in si guul ah uu kusoo dhamaaday shirka waxa uuna xusay in Clinton ay ballanqaaday in ay tagaereyso Soomaaliya waxa uuna Madaxweynuhu meesha ka saaray warar sheegaya in lagula talinayay inaysan isa soo sharixin madaxda dowladda KMG ah isagoo farta ku fiiqay in warkaasi yahay mid been abuur ah oo ay wataan musharaxinta qaarkooda.
Xafiiska Shabakada gubtanews.com
Muqdisho Somalia
gubtanews@hotmail.com