Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali xalay Hoygiisa casho sharaf ugu sameeyay Goliisa Wasiirada iyo xubno kale.
Munaasabada casho sharafta oo ay ka soo qeyb galeen dhamaan Xubnaha Golaha Wasiirada, Xildhibaano, Ururada Haweenka, Fanaaniin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugaan ka turjumeysay waxqabadka Xukuumada C/wali Gaas mudadii sanadka aheyd ee ay jirtay.
Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ka hadlay munaasabada casho sharafta ayaa sheegay in Xukuumada uu horkacayo C/wali Gaas ay ku guuleysatay inay dalka ka saarto marxaladii adkeyd, isla markaana gaarsiisay in dalka uu yeesho Dastuur, lagana gudbay xaaladii KMG aheyd.
Ra'iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in Xukuumada ay wax weyn ka qabatay arrimaha ammaanka, isagoo tilmaamay in xilligii ay imaanayeen Caasimada ay Muqdisho aheyd meel kala xiran, inta badan Al-Shabaab gacanta ku hayeen sida uu yiri.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Gaas oo ay dhinaciisa fadhiday Marwadiisa ayaa u muuqda nin kalsooni badan ka qaba inuu ku guuleysto xilka madaxtinimada Soomaaliya, inkastoo aanu goobta ka sheegin musharaxnimadiisa, hase ahaatee horay ay u shaacisay Marwadiisa Drs Hodan Saciid.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa la gudoonsiiyay shahaado sharaf kaalinta xukuumadiisa iyo waxqabadkeeda, iyadoo khudbad uu ka jeediyay uu ku sheegay inay dalka wax badan ka qabatay xukuumadisa.
Madaxda ugu sareysa dowladda ayaa xilligan loolan adag ugu jira xilka madaxtinimada Soomaaliya, waxaana socda olole xoog leh oo ay ku doonayaan inay madaxtinimada Soomaaliya ku helaan kadib 20-ka Agosto.