Tartanka Orodada Olimbikada Aduunka oo maanta bilaabanaya iyo Orodyahanada Soomaaliya oo ordaya

Sunday, August 5, 20120 comments

Waxaa lagu wadaa in maanta Garoonka cusub ee Olympic Stadium lagu daah furo Tartanka Orodada ee Olympikada Aduunka, kadib markii todobaadkii hore la furay, iyadoo ay ordayaan ilaa ciyaartoy fara badan.

Tartanka maanta waxaa ka qeyb galaya Orodyahanada Soomaaliya u matalaya ciyaaraha Olympikada Aduunka ee lagu kala magacaabo Zamzam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan, kuwaasoo maalmahan ku guda jiray diyaar garow ballaaran.

Zamzam Maxamed Faarax ayaa ordeyda 400-Mitir gelinka hore ee London, marka ay saacada geeska Afrika ay tahay 2-da duhurnimo ama Sideed saac, waxaana Soomaali badan ay rajo ka qabaan inay guul soo hoyn doonto.

Sidoo kale Maxamed Xasan ayaa isna ordi doona galabta, hase ahaatee waxaa la ordi doono Orodyahano u kala dhashay Itoobiya iyo Kenya, kuwaasoo aad looga cabsi qabo in tartanka ay guulo ka keenaan.

Soomaali badan oo ku nool magaalada London ayaa rajo wanaagsan ka qaba inay guul soo hoyaan Zamzam iyo Maxamed, iyagoo ku soo dhoweeyay magaalada, dar daarana u wada jeediyay.

Waxaa hadaba isha lagu hayaa sida Labada ciyaartoy ee Soomaali matalaysa ay guulo u soo hoyaan, waxaana rajada tahay mid taagan, dad badan ay Alle u baryayaan inuu guul siiyo.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog