Waxaa Goordhaw oo caawa ah Qaraxyop Xoogan ee ka dhacay Isgooska Dabka ee Magaalada Muqdisho iyo Isgiooska Carwa’idka kuwaa oo lagu weeraray Askar katirsan Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya oo goobahaasi kusugnaa. Qaraxa hore ayaa ahaa Bambaano gacanta laga tuuro waxaana lagu weeraray Askar katirsaneed Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliiska oo kusugnaa agagaarka Dabka iyo sidoo kale Saldhiga Booliiska ee Degmada Waabari. Qaraxan oo ahaa mid aad u xooganaa ayaa qasaaro xoogan waxa uu kasoo gaaray Ciidamo katirsan Dowlada KMG ee Soomaaliya oo xiligaasi kusugnaa goobta bambaanada lagu weeraray. Si rasmi ah looma hayo Qasaaraha kasoo gaaray Ciidamada Dowlada hasa ahaatee dad goob joogayaal ah ayaa noo sheegay in Ciidamada Dowlada uu kasoo gaaray Qasaarooyin kala duwan sidoo kalan ay jiraan Qasaaro dad rayid ah soo gaaray. Goordhaw aaa soo maray halka uu Qaraxu ka dhacay ayaan ku arkay Ciidamo fara badan oo katirsan Dowlada KMG ee Soomaaliya kuwaa oo baaritaano xoogan halkaasi kawaday ,qaar kamid ah Askarta oon la hadlay waxa ay ii sheegeen in gacanta lagu dhigay Ragii Qaraxyadaasi ka dambeeyay iyo dad kale oo la tuhmayo. Dhinaca kale Qarax kale ayaa isna caawa ka dhacay Isgooska Carwa idko ee Magaalada Muqdisho qaraxa ayaana ahaa mid isna lagu weeraray Askar katirsaneed Dowlada oo halkaasi kusugnaa iyadoona la sheegay in qasaarooyin uu Ciidamada Dowlada kasoo gaaray. Qaraxyada ayaa hada noqday mid magaalada kusoo laabtay iyadoo Habeenkii xalay sidaan oo kale Qarax xoogan lagu weerary Ciidamo katirsan Dowlada KMG ee Soomaaliya oo kusugnaa Isgooska Howlwadaag.