Daawo Sawirada:- Sida Ay U ciideen Shacabka Baraawe iyo sida looga ciiday degmoyinka Alshabaab ay maamulaan

Tuesday, August 21, 20120 comments

Guud ahaan dalka Soomaaliya ayaavmaanta waxaa laga ciiday ciidda Alfirtiga iyadoo si isku mid ah looga ciiday dalka waxaana degmoyinka ay maamulaan ururka Alshabaab ay ahaayeen kuwo si weyn loogaga ciiday.

Degmooyinka dalka oo ay gacanta ku hayso xarakada Alshabaab ayaa waxaa ay ahaayeen kuwo si weyn loogaga ciiday isla markaana munaasabada Ciidul Fitriga ay la tukadeen shacbka mas’uuliyiin ka tirsan ururka Alshabaab.


Degmooyin ay ka mid yihiin Jowhar, Marka, Kismaayo, Ceelbuur, Baraawe, Buuloburte iyo qaar kale ayaa ka mid ah degmooyinka laga ciiday. Guud ahaan degmooyinka laga ciiday ayaa waxaa ay ahaayeen qaar meelo banaan ay ku tukadeen dadka sida garoomada lagu ciyaaro kubbada cagta.


Dadka isugu soo baxay degmooyinkan ayaa waxaa isugu jireeen rag,haween iyo carruur. Waxaana halkaasi qudbado ka jeediyey mas’uuliyiinta xarkada Alshabaab ee deegaanadaas ku sugan.


Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah madaxda ururka Alshabaab ayaa maanta kala qeybgalay shacabka magaalada Baraawe ee gobolka Sh/hoose tukashada salaada ciidal Fitriga.


Tukashada salaada ciida kadib ayaa Shiikh Xasan waxa uu qudbad dheer u jeediyey shacabkii ka soo qeybgalay salaada isagoo ka hadlay faa’idada ummada Islaamka ay u leedahay bisha Ramadaan ee la soo dhaafay.


Shiikh Xasan Daahir ayaa ku celiyey mar kale in ay la jihaadayaan ciidamada dowlada iyo kuwo ajaaniibta ah ee dalka ku sugan illaa ay guulo ka gaaraana aysan joojin doonin.


Sidoo kale, Sheekh Xasan wuxuu sheegay in Xarakada Al-shabaab ay ka go'an tahay inay dagaallada sii wado inta ay ka hirgelinayaan in dalka oo dhan lagu maamulo diinta Islaamka.











Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog