Nin u dhashay dalka Boqortooyada Sucuudi Arabiya ayaa dhigay rikoodh cusub oo dhinaca guurka ah, ka dib markii uu muddo 37-sanadood gudaheed ku guursaday afar iyo toban xaas, kuwaas oo badankooda ay kala tageen ka dib markii ay u dhali waayeen Wiil sida uu aaminsan yahay, magaciisa qaada ama dhaxalkiisa yeesha.
Ninkan odayga ah oo lagu magacaabo Mudlaq Sulaymaan, da’diisuna tahay todoba iyo konton jir, waxa uu degan yahay magaalada Carcara ee dalka Sucuudi Arabiya, sida uu wargeyska Al Watan ee ka soo baxa dalkaas uga waramayna waxa uu muddo todoba iyo sodon sanadood ku siman meheriyay afar iyo toban xaas, oo kala jinsiyado duwan, kuna kala gedisan dhinaca da’da iyo nolosha.
Mudlaq Sulaymaan ayaa sheegay in aanu waligii afar xaas kulmin, mid marka uu mehershana kuwii hore ay kala tagi jireen, sida uu ku waramay, waxa uu gabadhii ugu horaysay ama xaaskiisi ugu horeeyay guursaday, isaga oo da’diisu tahay lix iyo toban jir, gabadhaas oo uu sheegay in ay ehel ahaayeen oo loogu dun xidhay isaga oo yar.
Xaaskiisa koowaad ayuu sheegay in ay ahayd tii muddada ugu badan ay is qabeen, oo muddo sideed sanadood ah ay wada noolaayeen ka hor intii aanay geeriyoon, murugo uu ka qaaday dhimashada xaaskiisi ugu horeeyay ee uu ku indho baraqsaday iyo jacayl uu u qabay ayaa sababtay in aanu gabadh danbe jacayl kii la mid ah u qaadin.
Mudlaq ayaa xaasaska uu guursaday tilmaamay in ay ka soo kala jeedaan jinsiyado kala duwan, oo Suuriyaan, Urdun iyo waddamo kale uu la xidiiday, hasa yeeshee aanay midna isku raagin oo dhawr sanadood ta ugu badan ay wada joogeen sida uu ku waramay.
Mudlaq mar uu ka hadlayay dhinaca da’da ee xaasaskan tirada badan ee uu guursaday, ayuu sheegay in xaaskii ugu waynayd ee uu guursaday ay da’da ka waynayd lix iyo sodon sanadood, halka tii ugu yarayd ee uu guursaday ka yarayd sadex iyo labaatan sanadood, taas oo sida uu tilmaamay ahayd gabadh qurux badan oo reer Suuriya ah, oo uu guursaday iyada oo aanay da’deedu gaadhin todoba iyo toban jir, isna wakhtigaas cimrigiisu ahaa sadex iyo afartan jir.
Dhinaca meherka mar uu ka hadlayay ayuu Mudlaq xusay in haweenaydii ugu meherka qaalisanayd uu ku meheriyay boqol iyo konton kun oo Riyaalka Sucuudiga ah, halka tii ugu meherka jabnaydna uu ku mehersaday Afartan kun oo Riyaalka Sucuudiga ah.
Sidoo kale waxa uu Mudlaq Sulaymaan sheegay in uu guurka sii wadayo ilaa uu ka dhalayo wiil, magaca ka reeba, sababtoo ah waa dhaqan carbeed ayuu yidhi oo ilaa aan helo wiil la iigu magac daro, ma joojinayo riyadayda waxaanan ilaa wali aaminsanahay in aanan gaadhin hadafkaygi ayuu yidhi Mudlaq Sulamaymaan.
Mudlaq Sulaymaan ugu danbayntii waxa uu ka waramay marka laga tago shuruudaa uu naftiisa ku xidhay, in ay jiraan waxyaabo kale oo sabab u noqday furiinka iyo in ay haweenka intaa leeg kala tagaan, waxaanu Mudlaq sababta ugu badan ee Furiinka iyo in ay tiro intaa leeg oo haween ah kala tagaan, ku eedeeyay hablaha ay isku dhaleen dumarkaa faraha badan oo aanu wax Wiil ahi ku jirin, marka xaalad sidaas oo kale ahi dhacdana aanay dadka carabtu isa sii qabin marka laga reebo tiro aad u kooban mooyee.
Mudlaq ayaa gaba gabadii waraysigiisan ku sheegay in dhaqankan guurka badan ee uu ku kacay aanu ahayn, mid qoyskoodu caado u lahaayeen balse uu isagu ugu horeeyay, isaga oo xusay in aabihii uu shan xaas guursaday, hasa yeeshee walaalihii iyo ehelkooda kale aanay hal xaas wax ka badan guursan waligood.