Madaxweynaha cusub ee Galmudug Gen Qeybdiid oo magacaabay qaar kamid ah golahiisa wasiirada

Tuesday, August 21, 20120 comments

Madaxweynaha maamulka la magac baxay Galmudug General Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa magacaabay qaar kamid ah golaha wasiirada ee xukuumadiisa.

Golaha Wasiirada ee uu magacaabay Cabdi Qeydbiid ayuu sheegay in ay ku yimaadeen kadib latashiyo badan oo uu la sameeyay belaha deeegaanada Maamulkaas dega.


Wasaarada uu magacaabay Cabdi Qeybdiid ayaa waxaa kamid ahaa wasaarada Maaliyada,Wasaarada caafimaadka,wasaarada warfaafinta iyo wasaarada xiriirka iyo iskaashiga caalamiga iyo wasaarada kalluumeysiga iyo kheyraadka badda.


General Qeybdiid ayaa waxa kale oo uu sheegay in uu soo dhamaystiri doono dhowaan marka uu wadatashiyo la sameeyo qeybaha kala gedisan ee bulshada.


Sidoo kale Gen Qeybdiid ayaa lagu wadaa in uu magacaabo degmooyin cusub oo lagu kordhinayo deegaanada hoos yimaada maamulka Galmudug.


Wasiirada uu magacaabay Gen Qeybdiid ayaa ah kuwii ugu horeeyey ee uu magacaabo tan iyo markii uu loo doortay madaxtinimada maamulka Galmudug.


Hase yeeshee waxaa diidey doorashada ka dhacday magaalada Gaalkacyo oo ka horyimid madaxweyne Axmed Maxamed Caalim oo isagu ahaa madaxweyinihii maamulka Galmudug.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog