Ra'iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Farmaajo oo hal sano kadib ku soo laabtay magaalada Muqdisho

Thursday, August 9, 20120 comments

 
Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, sanad kadib markii uu iska casilay xilkiisa, iyadoo dadweyne fara badan ay ku soo dhoweeyeen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Air Port.

Farmaajo ayaa keentay Diyaarada Jubba Airways, waxaana markii uu ka soo degay garoonka ku soo dhoweeyay dadweyne iyo mas'uuliyiin, inkastoo aanay ka dhex muuqan Mas'uuliyiinta dowladda.

Dadweyne fara badan ayaa banaanka garoonka taagnaa, kuwaasoo sawirkiisa sida, sidoo kale gawaari iyo mootooyin ayaa lagu dhajiyay sawirkiisa, waxaana soo dhoweyntan aheyd mid ay ka sii shaqeeyeen Xisbigiisa Tayo oo maalmo ka hor Muqdisho soo gaaray.

Banaan bax lagu soo dhoweynayo ayaa ka socda Wadada dheer ee Maka Al-Mukarama, halkaasoo ay buux dhaafiyeen dadweyne ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasoo ku qeylinayay halku dhigto taageero ah oo ay ku soo dhoweynayaan.

Farmaajo ayaa biiraya musharaxiinta u hanqal taagaeysa xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya, iyadoo horay uu ugu dhawaaqay inuu yahay musharax madaxweyne, waxaa goor dhow la filayaa inuu la hadlo warbaahinta, si uu uga warbixiyo ujeedkiisa.

Madaxda dowladda sida Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaa maalin ka hor ka dhigay magaalada Muqdisho bandhigooda ku aadan ololaha doorashada, waxaana magaalada ay la ciir ciireysa saxmada musharaxiinta oo hadba kala jiidanaya dadweynaha si ay u taageeraan.

Magaalada Muqdisho ayaa isu diyaarineysa doorashada madaxtinimada Soomaaliya, iyadoo ay ku soo qul qulayaan siyaasiyiinta fara badan oo doonaya inay ka qeyb qaataan tartanka doorashada madaxtinimada.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog