Daawo Sawirada "Wasiirka Waxbarashada oo Dhagax dhigay dhisme cusub oo ay leedahay Jaamacadda Horseed"

Wednesday, August 15, 20120 comments

Wasiirka waxbarashadda Hiddaha iyo tacliinta sare ayaa dhagax dhigay dhisme cusub oo loogu talagalay Jaamacadda Horseed oo ka mid ah Jaamacadaha ka howlgala Muqdisho.

Munaasabadda Dhagaxdhigga dhismahaasi ayaa waxaa goob joog ka ahaa Duqa Magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Tarsan, Guddoomiyaha Degmada Dharkeynleey Macalin C/lle Cali Hilowle, Wakiilka Hey’adda Infaaq Waqfi oo ah hey’ad laga leeyahay Turkiga iyo marti sharaf kale.

Wasiiirka waxbarashada, duqa magaalada, Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Wakiilka hey’adda Infaaq Waqfi oo dhamaantood ka hadlay munaasabaddaasi ayaa si isla mid ah u qiray ahmiyadda ay waxbarashadu u leedahay ummadda Soomaaliyeed iyo sida loogu baahanyahay in loo hormariyo waxbaarashada dalka.

Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye oo ah Hormuudka Jaamacadda Horseed ayaa sheegay in Jaamacadda Horseed ay ka mid tahay Jaamacadaha ka jira dalka isagoo ka warbixiyay hadafka Jaamacadda, wuxuuna tilmaamay in Jaamacadan ay tahay mid gaar loo leeyahay dhismahan cusubna ay Jaamacaddu ku shaqeyn doonto marka la dhameystiro.











Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog