Gudiga farsamada ee soo xulaya Baarlamaanka ayaa dib ugu celiyay odayaasha dhaqanka ilaa kontomeeyo Xildhibaan, kadib markii ay ka gudbi waayeen shuruudihii la rabay inay soo buuxiyaan.
Sida ay sheegayaan wararka Xildhibaanada la celiyay ayaa ka dambeysay markii Gudiga farsamada ay sheegeen inay ku dhaceen imtixaanka, qaarkoodna da'dooda ay ka sareyso 75-sano, halka kuwa kalena ay hooseyso aqoontooda, maadaama aysan heysan shahaado dugsi sare ah.
Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Augustine Mahiga ayaa sheegay inay ka war-qabaan Xildhibaano dib loo celiyay, inkastoo uu tibaaxay inay ku kalsoon yihiin in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu bedeli doono dad ku haboon.
Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in maalmahan ay walaac ka qabeen dadka doonaya Xildhibaanada oo ku wareeriyay Taleefanada, sidaas darteed ay u dedejiyeen liiska xubnaha ay gudbiyeen
Dadka la celiyey waxaa u badnaa sida la sheegayo qaar aanan heysan shahaaadada dugsiga sare oo heerkooda aqoonta uu hooseeyo, iyo qaar aad u yar oo lagu helay in ay dambiyo horay uga soo galeen Soomaaliya iyo kuwo da'doodu ay horay u badatay kana sareyso 75 sano.
Inkastoo wali beelaha qaar ay ku heshiin la'yihiin cida xildhibaanada ay ka dhigi lahaayeen, hadana waxaa jirta in beel walba ay u ordayaan ilaa tobaneeyo xildhibaano, taasoo sabab u noqotay is qab qabsiga haatan laga gudbi la'yahay ee hareeyay soo xulista Baarlamaanka.
Gudiga farsamada ee soo xulista Baarlamaanka ayaa ku doodaya in beelaha qaar ay ku celiyeen Xildhibaanada ay soo gudbiyeen, maadaama aysan ku jirin Haween, sida qorshaha ahaana la rabay in beeshii saddex xildhibaan la siiyay ay mid haween ka dhigto.
Laakiin caqabada kale ee meesha ku jirta ayaa ah in dadka la soo celiyay ay uga baxeen booska Xildhibaanimada lacago fara badan, waxaana ay keeni kartaa dhibaato kale, iyadoo ay jireen dad ay si gaar ah u wateen Madax dhaqameedyada maalmahan farqaha lacagaha uga buuxdo.
Waqtiga oo aad gabaabsi u yahay, ayaa waxaa laga cabsi qabaa in todobaadkan gudihiisa lagu soo dhameystiri waayo soo xulida baarlamaanka oo is qab qabsi xoog leh uu hareeyay.