Cunista hilibka waraabaha ayaa ku soo badaneysa magaalada Kismayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaana lagu iibiyaa suuqyada magaaladaasi.
In la cuno Hilibka waraabaha ayaa waxay noqotay arin ku cusub shacabka Somalida dhexdeeda, iyadoo Sheekh Maxamed Cabdi Umal uu sheegay in diiniyan la ogol yahay in la cunno waraabaha hilibkiisa.
Magaalada Kismaayo ayaa si aan qarsoodi aheyn loogu iibiyaa hilibka waraabaha iyo subagiisaba, iyadoo laga heli karo xitaa Maqaayadaha Hilibka Waraabaha.
Dhanka kale hadalakaan ku saabsan cunista Hilibka Waraabaha ayaa dad badan oo Soomaali ah aad ula yaabeen, iyadoo Culimada diinta qaarkooda ay baneeyeen in Hilibka Waraabaha la cuni karo.