Daawo Sawirada " Xaflad heer sare oo lagu taageerayay Mid kamid ah Musharixiinta Soomaaliya oo Cape Town lagu qabtay"

Wednesday, August 8, 20120 comments

Waxaa Xalay Magaalada Cape Town Lagu Qabtay Xaflad Afur Aheyd oo Si Heer Sare ah Loo Soo Agaasimay Isla Markaana Ay Kasoo Qeyb Galeen Madaxda Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Cape Town Culumaa,udiinka,Waxgarad Aqoonyahanada,Ardada.Haweenka iyo Guud Ahaan Qeybaha Kala Duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ee Ku Nool Magaalada Cape Town.

Xafladaan oo Aheyd Mid Lagu Taageerayay Musharaxa Madaxweynimada Soomaaliya u Taagan Isla Markaana Doonaya In uu Majaraha u Qabto Siyaasada Soomaaliya Musharax Prf Abdiraxmaan Baadiyow Ayaa Waxaa Qudbado Kala Duwan Ka Jeediyay Isla Markaana La Hadlay Madaxda Jaaliyada.

Mas,.uuliyiintii Jaaliyada ee Halkaa Ka Hadlay Ayaa Gabi Ahjaan Ku Dheeraaday Dareenkooda Ku Aaadan Sida Ay Uga Go,an Tahay Taageerada Musharax Baadiyow Waxa ayna Ka Faaloodeen Waxqabadka Muuqda ee Bulshada Soomaaliyeed u Qabtay Msuharaxaan Ayagoo Sheegay In Ay Ka Badan Ka Rajeynayaan Hadii uu Qabto Xilkaan Madaxtinimo ee Dalka Soomaaliya.

Dadka Kasoo Qeyb Galay Xafladaan Ayaa Ka Sinaa Farxad iyo Reyn Reyn Ayadoo Wajaidoo Laga Dheehan Karay Sida Ay Ugu Baahan Yihiin Shaqsi Ka Samata Bixin Kara Dhibaatadii Daashatay ee Kasoo Gaartay 22kii Lasoo ee Lasoo Dhaafay Dagaaladii Ahliga ahaa Waxa Ayna Shacabka Illah Uga Baryayeen Musharax Baadiyow In uu Ku Guuleysto Xillkaan Adag ee uu Isku Soo Taagay.








 xigasho Allbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog