Waaliga Al-Shabaab ee Gobolada Jubooyinka Sheekh C/raxmaan Xudeyfa ayaa sheegay inay u aar-gudayaan dadkii Kenya ay ku xasuuqeen Magaalada Kismaayo, habeen ka hor markii Markab dagaal uu duqeeyay Xaafado ka tirsan Kismaayo.
Isagoo ka hadlayay qasaaraha ka dhashay duqeyntii habeen hore ayuu sheegay in labo caruur isla dhalatay iyo nin waayeel ah ay ku shahiideen, halka saddex kalena ku dhaawacmeen sida uu yiri.
"Waxaan u aar-gudi doonaa dadkii ku shahiiday weerarkaas, dhibaatada ka dhacday Kismaayo laba-laabkeeda ayaan u geysan doonaa Kismaayo"ayuu yiri Sheekh C/raxmaan Xudeyfa oo intaa ku daray in Kenya ay duulaan ku tahay dhul, cir iyo badda.
Duqeyntii habeen hore loo geystay Magaalada Kismaayo ayaa ka dambeysay markii Al-Shabaab ay qoriga lidka diyaaradaha ku weerareen Markab taagnaa Xeebta Kismaayo, kaasoo loo maleynayo inay Kenya laheyd.
Kenya ayaan wali wax war ah ka soo saarin duqeynta ay ka geysatay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubada Hoose.