Dagaalo xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada AMISOM, kuwa dowladda iyo dagaalyahanada Shabaab ayaa goor dhow ka qarxay duleedka deegaanka Hoosingow oo qiyaastii magaalada Kismaayo u jirta ilaa 150-KM, iyadoo dagaalka uu hada ku dhow yahay muddo saacad ah.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalada ayaa bilowday markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Ciidamada xulufada oo ku soo socday wado soo aada Kismaayo.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaalka, waxaana saraakiil ka tirsan Shabaab ay sheegeen in dagaalka wali socda, isla markaana ay dib ka faah faahin doonaan.
Saacadihii u dambeeyay ayaa waxaa ka jira deegaano ka tirsan Jubada Hoose, dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo abaabulo dagaal, iyadoo Ciidamada xulufada ay qorsheynayeen inay la wareegaan magaalada Kismaayo.
Dad ku nool magaalada Kismaayo ayaa sheegay in xiisad dagaal iyo dhaq dhaqaaq ciidan laga dareemayo magaalada, iyadoo dagaalyahanada Shabaab ay bilaabeen abaabulkii ugu dambeeyay ay ku difaacanayaan magaalada.