Iyadoo lagu wado in maalinta Talaadada ay dhacdo doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa u taagan xilkaas musharaxiin badan, iyadoo haatan musharaxiinta ay khudbado ka jeedinayaan Kulan ay leeyihiin Xildhibaanada Baarlamaanka
C/risaaq Cusmaan Xasan Jurile oo ka mid ahaa musharaxiinta u taagnaa xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ka tanaasulay, iyadoo ay isku soo hareen ilaa afar musharax ah.
Mr Jurile ayaa ahaa musharaxiinta ugu cad-cadaa, waxaana la ogeyn sababaha uu isu casilay, iyadoo ay jirtay hadal heyn ku aadaneyd inuu taageersanaa Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole
Musharixiinta ugu cad cad ayaa waxaa ka mid ah Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Dr. Cali Khaliif Galeyr, C/rashiid Xidig, Cabdi Xaashi Cabdulaahi iyo Xasan Abshir oo gadaal kaga soo biiray musharaxiinta.
Khudbado ay jeedinayaan Xildhibaanada u taagan xilka ayaa waxay uga hadlayaan taariikhdooda iyo waxqabadkooda hadii la doorto.
Kulanka oo ah mid albaabada u xiran ayaa waxaa musharax walba la siinayaa muddo kooban inuu uga hadlo waxyaabaha uu qabanayo iyo ajandayaasha uga degsan hadii la doorto.
Gudoomiyaha KMG ee Baarlamaanka Jen. Muuse Xasan Cabdulle ayaa shir gudoominaya kulanka ay leeyihiin Xildhibaanada Baarlamaanka
Wariyeyaasha ayaa sheegaya in Xildhibaanada ku sugan xarunta School Polizio ay gaarayaan ilaa 200-xildhibaan, waxaana la filayaa in goor dhow la soo gaba gabeeyo kulanka.
Jagooyinka Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa u kala taagan musharaxiin, iyadoo xilka Gudoomiye kuxigeenka koowaad ay u taagan yihiin ilaa 11-musharax, halka gudoomiye kuxigeenka labaad ay u taagan yihiin afar musharax.