Dagaalo culus oo ay ka qeyb qaadanayaan diyaarado dagaal oo ka socda duleedyada Kismaayo

Thursday, August 30, 20120 comments

Ciidamada huwanta ayaa dadaalkii ugu dambeeyay ugu jira sidii ay ku qabsan lahaayeen Magaalada muhiimka ah ee Kismaayo, maalin kadib markii Al-Shabaab ay gacantooda ka baxday magaalo xeebeedka Marka oo ay la wareegeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in xiisado dagaal ay ka jiraan deegaano hoos-yimaada magaalada, kuwaasoo qiyaastii 50-KM u jira magaalada, iyadoo dadka deegaanka ay bilaabeen inay ka barakacaan.


Dagaalada oo ka socda deegaano duleedka ka ah magaalada Kismaayo ayaa la sheegayaa inay ka qeyb qaadanayaan diyaarado dagaal ay leeyihiin Kenya.


Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay inay horumaro ka sameeyeen dagaalada tan iyo shalay ay kula jireen Shabaab, isla markaana ay u soo siqeen dhanka magaalada Kismaayo.


Inkastoo aan wali la ogeyn qasaaraha ay geysteen dagaalada oo saddex maalmood ee u dambeeyay si goos goos ah uga socday deegaano u dhaxeeya Afmadow iyo Kismaayo, hadana ma jirto deegaano rasmi ah oo ay gaareen Ciidamada marka loo eego gulufkooda dagaal.


Al-Shabaab ayaa wada iska caabin xoog leh oo ay kula jiraan Ciidamada huwanta, si ay isaga difaacaan duulaanka ay ku soo yihiin magaalada Dekeda leh ee Kismaayo.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog