Nin Diyaarad Si layaab leh ugu dhax Dhuuntay oo Meydkiisa laga helay Magaalada London

Thursday, August 30, 20120 comments

Nin u dhashay dalka Koonfur Afrika oo u tahriibayay dalka Britain ayaa meydkiisa laga heley halka ay ku xarooto carta ama shaagga dayuurad nooca Boeing 747 markii ay ka degtay garoonka Heathrow ee UK.

Saraakiil u hadashay British Airway ayaa jimcihii sheegey in qofka meydkiisa la heley oo aanan wali magaciisa la shaacin uusan ka mid ahayn shaqaalaha dayuurada, islamarkaasina ahayn rakaabkii dayuuradda saarnaa.


Waxaa la aaminsanyahay in qaboow dartiis uu la xargagay ninka oo uu dhintey, waxaa la rumeysanyahay in qaboowga ninka ku dhacay uu u dhaxeeye -30 degree illaa -50 degree kadib markii dayuurada ay gaartay joog dhan 30 kun oo feet.


Dr Zameer Brey waxa uu madax ka yahay ururka dhaqaatiirta Western Cape, waxa uu sheegey in joog xagga cirka oo intaasi la'eg aysan jirin nolol suurogal ka ah, qaboowguna uu yahay mid qofka uu la xargagayo, waxa uu sheegey in xitaa hawada oxygen-ka loo yaqaano ay aad ugu yarayd.


Nin ka mid ahaa waardiyeyaasha garoonka oo arkay markii ninka uu kasoo boodey siliga garoonka xili habeenimaddii arbacada ah ayaa sheegey in uu ninka eryaday si uu u qabto, balse uu oga cararay dhanka dhabaha ay dayuuradaha ku cararaan marka ay haadayaan, maadaamaa ay mugdi ahayd, meeshana dayuurado badan ay ka haadayeen uu arki waayey ninka, 17 saacadood kadib markii ay dayuuraddii ka degtey London ayaa la heley ninka.


Dadka noocan sameeya oo afka qalaad loo yaqaano "Stowaway", afka Soomaaligana lagu fasixi karo "Walhad" ama qar iska xoor ayaa Soomaali badan micno weyn u samaynayo marka ay timaado safarada jar iska xoorka ah ee loogu tahriibo wadamada shisheeye.


Soomaalida Koonfur Afrika ku dhaqan ayaase aad ola yaaban arrintani, iyagoo is weeydiinaya sababta qof Koonfur Afrika u dhashay ku qasbaysa in uu qaabkaasi ku tahriibo "dadka kale la garaye" iyagoo leh.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog