Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan la qaatay Xubno ka socday Beesha Caalamka

Thursday, August 30, 20120 comments

Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta kulankii ugu horeysay la qaatay xubno ka tirsan Beesha caalamka oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Kulanka uu la qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ay wehliyeen Labadiisa Kuxigeen ayaa waxaa ka mid ahaa Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga, Wakiilka Bariga Afrika ee Midowga Yurub, Urur goboleedka IGAD, Safiirada Mareykanka, Britain, Talyaaniga iyo Norway u qaabilsan Soomaaliya.


Shir jaraa'id ayaa waxaa si wada jir ah u qabtay markii uu kulanka soo dhamaaday Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari, Wakiilka Midowga Yurub ee Bariga Afrika iyo Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga.


Prof, Jawaari ayaa sheegay inay is arkeen Wakiilo ka socday Beesha Caalamka, isagoo tilmaamay inay ku faraxsan yihiin inay is bartaan, ayna iskaashi iyo wada shaqeyn ay dhex marto wixii hada ka dambeeya.


"Maanta waxaa noo yimid wakiilo ka socday Beesha Caalamka, sida Midowga Yurub iyo Mareykanka iyo dalalka deriska, waxaan uu ahaa kulan is barasho oo aan uga wada hadalnay sidii iskaashi noo dhex mari laheyd"ayuu yiri Prof. Jawaari.


Wakiilka Midowga Yurub ee Bariga Afrika Alexander Rondos ayaa sheegay inay ka go'an tahay inay taageero siiyaan Baarlamaanka cusub, isagoo xusay inay la garab taagan yihiin Gudoomiyaha cusub, waxaana uu ku baaqay in horay loo soo wado howlaha harsan, sida doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka.


Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa isna sheegay in arrintan ay horumar xambaarsan tahay, gaar ahaan booqashada ay ku yimaadeen Beesha Caalamka, ayna tahay mid yididiilo leh.


Beesha caalamka ayaa dadaal ugu jirta sidii lagu dhameystiri lahaa xilliga KMG oo ay ku ekeyd 20-ka Agosto, iyadoo la doortay Gudoomiye cusub oo uu yeelanayo Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo wali ay dhiman tahay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog