Boqolaal dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa isugu soo baxay hareeraha waddooyinka Muqdisho, kuwaasi oo u dabaal degaya sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii Shabaab laga saaray magaalada Muqdisho muddo saddex sano ah kaddib.
Dadweynaha dibadbaxyada dhigaya oo iyagu marba marka ka dambeysa sii kordhaya ayaa isugu soo ururaya xarunta Garoonka K/Cagta ee Banadir Stadium, kuwaasi oo wata boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo muujinaya dagaaladii Muqdisho dib u dhigay inay meesha ka baxeen.
Waxaa kale oo boorarka ku qoran farxadda iyo damaashaadka nabadda Muqdisho ka muuqata, iyagoo sidoo kale ku qeylinayay ereyo ay ka mid yihiin "Argagixisooy gabalkaa dhac" iyo ereyo kale.
Dhinaca kale waxaa la filayaa in madax ka tirsan Dowladda KMG ah ay khudbado kala duwan u jeediyaan dadweynaha bannaanbaxyada ka dhigaya magaalada Muqdisho, kuwaasi oo iyagu sharaxaad ka bixin doona marxaladihii kala duwan ee ay soo martay magaalada Muqdisho.