Madaxweynaha cusub ee Maamulka Galmudug Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, shan maalmood kadib markii Baarlamaanka Galmudug ay u doorteen xilkaas.
Jen. Cabdi Qeybdiid ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in socdaalkiisa la xiriirto arrimo ku saabsan horumarinta maamulkiisa.
Hadal uu jeediyay taageerayaashiisa ayuu sheegay in sababaha keentay inuu qabto xilka madaxtinimada Galmudug ay tahay, markii uu adkeysan waayay dhibaatada ka jirta Galmudug, si uu wax ugu qabto, gaar ahaan dhinaca Ammaanka.
"Waxaan u adkeysan waayay, maadaama halkan la soo galay ay dhibaato heysata, oo kala qeybsanaan ah iyo arrinta ku saabsan ammaan darida, sidoo kale Gobolada dhexe ay qaarkood u noqday saldhig Al-Shabaab"ayuu yiri Jen. Cabdi Qeybdiid.
Jen. Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan Ansixinta dastuurka, isla markaana ay ku soo aaday maalintii la ansixinayay 1-da Agosto in isagana shacabka Galmudug ay u doorteen inuu Madaxweyne noqdo.
Waxaa uu sheegay inuu Muqdisho u yimid arrimo kaga xiran dowladda Federaalka, si uu ula kulmo madaxda ugu sareysa dowladda.
Col. Maxamed Axmed Caalin oo ka mid ahaa saxiixayaasha Road Map-ka ayaa ku andacoonaya inuu wali yahay Madaxweynaha Galmudug, isla markaana ay aheyd sharci daro doorashadii Jen. Cabdi Qeybdiid.