Hal sano ayaa ka soo wareegatay markii Al-Shabaab ay isaga baxeen qeybihii ballaarnaa ee ay kaga sugnaayeen Magaalada Muqdisho, iyagoo bedelay xeeladii dagaalka ee fool ka foolka ahaa iyo aagagii ay isku hor fadhiyeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Shacabka Muqdisho ayaana maanta oo kale Sanadkii hore ka maqlay Aqbaarta ku aadan in Al-Shabaab habeen madow ka baxeen fariisimihii ugu badnaa ee Magaalada Muqdisho taa oo shacabka Soomaaliyeed farxad galisay aadna usoo dhaweeyeen.
Al-Shabaab kabixitaankoodii xiligaa waxa ay ku micneeyeen in ay aheed Xeelad Milatari hasa ahaatee waxaa lagu micneeyay mid guul daro iyo dhaqaale la’aan soo wajahday kooxdaasi, taa oo xita ahada keyntay in Gobolada Dalka gaar ahaan Shabeelooyinka Degmooyin iyo Deegaano katirsan laga saaro.
Markii Al-Shabaab ka baxeen Magaalada Muqdisho waxaa magaalada ka dhashay isbadal deg deg ah oo dhinaca Nabada iyo Hormarka ah iyadoona dhamaan shacabkii kolkii hore ka cararay madaafiicda iyo dagaalada dushooda ka dhacayay ay dib guryahooda ugu soo laabteen Magaalada Muqdisho.
Muuqaalka Magaalada Muqdisho hada waa Mid farxadeed waana mid nabadeed dadkuna xiligaan mar kale diyaar uma ahan dagaal iyo barakac waxa ayna taa ka xigaan in ay la dagaalamaan cid kasta oo barakicineysa.
Madaxweyne Shariif oo ka hadlay Maalintan waxa uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed in ay xasuustaan waayihii ay soomareen Maanta oo kalana ay tahay Maalintii ay Shabaab jabeen Magaaladana ay guuleesatay.
Ka bixitaanka Shabaab ee inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa bilow u aheyd inay waayaan deegaano badan oo ku yaal Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, inkastoo wali deegaano qaar ku sugan yihiin.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo markii hore qaati ka taagnaa weerarada lagu soo qaadayay Madaxtooyada iyo Jidka Maka Al-Mukarama ayaa hada ku guuleystay inay qabsadaan degmooyinka deriska la ahaa magaalada Muqdisho.
Al-Shabaab ayaa dhamaadkii sanadkii hore ku furmay aagag dagaal oo dhowr ah, markii Ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya ay gudaha u soo galeen, isla markaana la wareegeen magaalooyin muhiim ahaa.