Wararkii ugu dambeeyay dagaaladii ka dhacay deegaano hoos-yimaada magaalada Kismaayo

Thursday, August 30, 20120 comments

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalo saacadihii u dambeeyay ka dhacay deegaano hoos-yimaada magaalada Kismaayo, iyadoo Ciidamada huwanta ay ku sii siqayaan magaalada Dekeda leh ee Kismaayo.

Dagaaladii u dambeeyay ayaa galabta ka dhacay inta u dhaxeysa Afmadow iyo Kismaayo, markii dhinacyada dagaalamayay ay mar kale isku noqsadeen, kadib markii saaka dagaal faraha loogu gubtay uu dhex maray.


Ciidamada Kenya oo ay wehliyaan Ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskambooni ayaa qabsaday deegaanka Cag-Libaax oo qiyaastii 60-KM u jira magaalada Kismaayo.


Dagaaladii maanta oo ay ka qeyb qaateen diyaaradaha dagaalka kenya ayaa waxaa ku dhintay in ku dhow labaatan ruux oo ahaa dhinacyadii dagaalamayay, inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin karin baaxada qasaaraha ay geysteen dagaaladu.


Taliyaha Ciidamada dowladda ee Jubooyinka Jen. Ismaaciil Saxardiid ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka dileen in ka badan 10-dagaalyahan, ayna ka gubeen saddex gaadiid oo ay ku jireen gaadiid dagaal.


Warar madax banaan ayaa sheegaya in Ciidamada huwanta ay kaabiga ku hayaan deegaanka Birta Dheer ama Janaay cabdalla, halkaas oo kala barta magaalooyinka Afmadow iyo Kismaayo.


Xaalada caawa ee magaalada Kismaayo ayaa ah mid degan, inkastoo dadka ay dareemayaan cabsi ku aadan dagaalada ka dhacay deegaano u dhaxeeya Afmadow iyo Kismaayo, waxaana Al-Shabaab ay ka wadaan magaalada abaabul xoogan.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog