Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa oo la Shaaciyay in Dib loo dhigay (Waa Maxay Sababta)

Saturday, August 25, 20120 comments


Waxaa dib u dhac ku yimid xiligii loogu tala galay in ay Dhacdo Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo labadiisa ku xigeen oo loo qorsheeyay in ay dhacdo 26-ka Bishan oo ku beegan Maalinta Axada ah.

Gudiga Doorashada ee Dhawaan Baarlamaanka iska soo dhax doorteen ayaa sheegay in meel fiican mareyso ayna ahada gacanta ku hayaan araajida Musharixiin badan oo isku soo taagay in ay u tartamaan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.

Waxa kale ay sheegeen gudiga in ay dib u dhac kuyimid Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu waday in Maalinta Axada dhacdo balse labo Maalin dib loo dhigay laguna wado in Talaada la qabto Doorashada ,mana sheegin sababaha dib u dhac keenay .

Sababah dib loogu dhigay ayaa loo badinayaa in ay tahay Xildhibaano dhoor ah wali ka dhiman Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya, iyadoona la sheegay in aysan suurto gal aheyn in Doorashada dhacdo xili aan Baarlamaanka lasoo dhameestirin.

Waxaa wali taagan Dooda ku adan xildhibaanada la gudbiyay ee lasoo celiyay oo u badan Hogaamiyaasha Kooxaha Soomaaliya iyo sidoo kale Xubno wali doodooda dhamaan ay isku heestaan Beelaha Qaar.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog