Qaar kamid ah Xubnaha Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay la socdaan ayna fahansanyihiin Qorshayaasha qarsoon ee qaar kamid ah Lixda Nin ee Saxiixayaasha Road-Mapka ka leeyihiin dhisida Dowlada Cusub.
Xildhibaanadan oo siyaabo kala duwan ula hadalnay waxa ay sheegeen in ujeedka iyo Qorshaha qaar kamid ah Xubnaha Saxiixayaasha ay la soacdaan sida Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Raxman Faroole.
Xildhibaanadan waxa ay carabka ku dhufteen in Faroole uu damacsanyahay ujeedooyin u gaar ah sida uu isaga horey u sheegay taa oo aheed hadii Hogaamiyaasha Kooxaha Soomaaliya lagu soo daro Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya in uu Soomaaliya ka goosan doonto Maamulka Madaxda uu ka yahay ee Puntland.
Qorshayaasha kale ee Xildhibanaadu sheegeen in uu Wato Faroole ayaa ah hadii Beeshiisa ay weyso labada Xil ee ugu sareeysa Dowlada Madaxweyanah Ama Raizuil Wasaaraha in uu doonayo in Dowlada la dhiso carqalad ku abuuro uuna ku dhawaaqo gooni isku taag.
Waxa sidoo kale sheegeen Xubnaha Cusub ee Baarlamaanka Qaarkood in sidoo kale Madaxweyne Shariif wali qorshihiisa cadeen uuna yahay nin is badal badal badan aan wali saldhigan ujeedkiisa rasmiga ah aan wali la dareensaneen.
Sidoo kale Xildhibaanada waxa kale ay xuseen in Mowqidka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdi Wali Gaas uusan kala cadeyn ,waxa ayna shaki badan ka muujiyeen in labadaasi Nin oo si aad ah iskugu dhawyihiin Faroole in ay la qabaan Qorshooyinka faroole uu wato hadii sida uu Rabo ka waayo Dowlada ,waxa ayna ugu baaqeen in ay cadeeyaan Mowqifkooda.
Madaxweynihii Galmudug Caalin iyo Dhinaca Ahlu Sunna oo kamid ah Lixda Saxiixayaal iyagu wali shaki kam aysan muujin Xildhibaanada waxa ayna sheegeen in saameynta labadaasi dhinac ay tahay mid aad wax badan keeni Karin.
Qaar kamid ah Saxiixayaasha Qorshaha Tubta Nabada Soomaaliya ayaa lagu tuhmayaa in ujeedooyin qarsoon ay wataan ayna doonayaan in ay lasoo baxaan marka la dhiso Dowlada Cusub ,inkastoo la saadaalinayo in Beesha Caalamka kasoo horjeedo dadka caqabada ku naqda Qorshaha Road-mapka qaar badan oo Saxiixayaashana uu Fashil ku imaan doono.