Maxkamad ku taal Norway ayaa ku xukuntay 21 sano oo xarig ah Anders Behring Breivik oo lagu helay dambi ah inuu diley 77 ruux 240 kalana dhaawacay.
Breivik ayaa qirtey inu diley 77 ruux dhaawacayna 240 kale markii uu bambo ku qarxiyey bartamaha Oslo isla markaana rasaas ku furay dhalinyaro ku sugneyd meel jasiirad ah.
Ninkan ayaa waxa uu sheegay in uusan waalnayn isla markaana uusan gelin wax dambi ah,isagoo u raadiyey qiil ah weerarka uu qaaday in uu ahaa mid uu ugaga hortagayay in wadanka Norway uu noqdo dalka Islaam ah.
Hase yeeshee xabsiga lagu xukumay ayaa marka uu dhamaysto la sii dheereyn karaa haddii loo arko in uu ninkan halis ku yahay amaanka dalka Norway.
Ninkan ayaa ku jiri doona xabsi gaar ah oo lagu hayo dadka halista ah.
Qaar kamid ah dadkii ay eheladoodu wax ku noqday falkii uu ku dhaqaaqay ninkan ayaa soo dhoweeyey xukunkiisa.
Maxkamadan maanta xukunka ku ridey ninkan laayay dadka badan ayaa waxaa laga daawanayay wadanka Norway oo dhan iyadoo taleefishanada dalkaasi si toos ah loogaga daawanayay.
Dalka Norway ayaa kamid ah dalalka Yurub ee iyagu hore u mamnuucay xukunka dilka ah waxaana ay leedahay xabsiyada ugu wanaagsan caalamka iyadoo dadka ku jira xabsiyada dalkaasi ay ka nolol wanaagsan yihiin xabsiyada kale ee caalamka dadka ku xiran.
Breivik ayaa waxa uu ku xirnaan doonaa xabsi ku yaal magaalada Oslo oo si weyn loo ilaaliyo Ila Prison, halkaas oo uu ku xirnaa tan iyo markii la soo qabtay kadib.
Waxana uu Breivik da'adiisa lagu sheegay inay tahay 33jir ah ayaa waxa uu qaaday weerar uu muddo qorsheynayay 22 July 2011, isagoo soo xirtey dareeska ciidanka kuna hubeysnaa hub kala duwan.