Allaha u naxariistee waxaa Xalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Mid kamid ah Abwaaniinta Soomaaliyeed ee caanka ahaa kana mid ahaa Fanaaniinta Heesta ee Soomaaliyeed.
Abwaan Maxamuud Goox Qarboosh oo ahaa Abwaan caan ahaa si weyna loo yaqaan Dalka iyo Dibada ayaa xalay ku geeriyooday Idbitaal kuyaala Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi kadib markii uu xanuun lasoo darsay uuna xanuunsanaa lixdii Maalin ee lasoo dhaafay.
Waxaana lagu soo waramayaa in Abwaanka uu u geeriyooday Xanuun Dhanka Wadnaha oo Maalmahana uu la xanuunsana isgoona xalay ugu geeriyooday Xanuunkaasi Magaalada Nairobi.
Qabuuraha Laangaata ee Magaalada Nairobi ayaa lagu wada in Marxuunka lagu aaso, waxaana qaban qaabada aaskiisa kasocotaa Magaalada Nairobi.
Alle ha u naxariistee Abwaan Qarboosh waxa uu ifka kaga tegay hal xaas iyo shan carruur ah, Abwaanku waxa uu kamid ahaa Abwaaniinta aan dibadda uga bixin dalka wallow uu sanadahii dambe ku noolaa magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.