Maxkamada sare oo maanta u fariisatay dacwada Xubnihii laga reebay Baarlamaanka cusub

Monday, August 27, 20120 comments

Maxkamada sare ee dalka ayaa saaka u fariisatay dacwada ku aadan xubnihii laga reebay Baarlamaanka cusub, iyadoo Labada Gudoomiye ee gudiga farsamada ay ku gacan seyreen inay Maxkamada hor-tagaan, si ay uga jawaabaan su'aalo la xiriira sababta ay u diideen.

Sida ay sheegayaan wararka Maxkamada ayaa goor dhow bilaabatay, iyadoo qareenka u doodaya Xubnaha la heysto ee 16-ka xubnood uu u gudbiyay Maxkamada dacwada ku aadan in aysan wax dambi ah laheyn, arrimaha loo heystana aysan waxba ka jirin.


Warar ku dhow dhow Maxkamada sare ayaa sheegaya in laga yaabo in maanta Maxkamada soo saarto go'aan, inkastoo aan la ogeyn halka uu noqon doono go'aankaas.


Gudoomiyaha Maxkamada sare Avv Ceydiid Ilka-xanaf oo shalay u tagay xubnaha Gudiga farsamada ayaa siiyay ilaa iyo maanta inay Maxkamada ku hor-yimaadaan hadii kalena go'aan ay ka gaari doonaan, inkastoo shalay ay diideen Gudiga farsamada.


Xubnaha saxiixayaasha ayaa qudhooda arrintan ay ka dhex taagan tahay, iyadoo war shalay ka soo baxay labo ka mid ah saxiixayaasha ay ku sheegeen in arrintan aanay sharci ahaan loo qaadi karin, balse ay tahay siyaasad ay ku heshiiyeen saxiixayaasha, waxaana ay ku baaqeen in la joojiyo fara gelinta.


Inkastoo Gudiga farsamada ay howshooda xalay ku ekeyd, hadana waxaa soo baxaya warar sheegaya in xubno cusub ku bedeleen kuwii ay diideen, iyadoo aysan jirin ilaa iyo hada liis ay soo gudbiyeen Odayaasha dhaqanka oo lagu bedelay xubnihii awal la diiday.


Dadka odorasa siyaasada ayaa sheegaya in arrimahan is qab qabsiga ee ka dhex bilowday Saxiixayaashi Road Map-ka uu caqabad ku keeni karto dhameystirka qorshaha KMG looga baxayo, iyadoo Baarlamaanka cusub uu yahay Hey'adda kaliya ee sharciga ah, marka loo eego xubnaha is heysta oo waqtigooda dhamaaday.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog