Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku geeriyootay labokalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii nin xirnaa dareeska ciidamada uu rasaas ku furay baabuur marayay isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho.
Lama oga sababta keentay in askarigan uu gaariga rasaas ku furo iyadoo aysan jiran markaas dhibaato ka jirtey, hase yeeshee waxa ay wararka qaar ay sheegayaan in askarigan uu doonayay in uu dhac u geysto gaariga kuna amray darawalkii gaariga inuu joojiyo balse darawalkii uu ka dhego adeygay.
Waxaana dadka dhintey ka mid ahaa darawalkii waday gaariga iyo labo ruux ee saarnaa baabuurkan. Sidoo kale rasaasta ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen dad marayay isgoyska Sanca.
Ninkii ka dambeeyey falkan ayaa la sheegay in uu ka baxsaday halkaas balse ciidamo ka tirsan dowlada ayaa gaaray halka uu falkan ka dhacay waxayna bilaabeen inay baaritaan ku sameeyaan sida ay wax u dhaceen.
Falkan ayaa imanaya xilli guud ahaan ammaanka magaalada Muqdisho aad loo adkeeyey iyadoo lagu gudo jiro xilligii kala guurka oo maraya meelihii ugu dambeeyey.
Waxaana magaalada Muqdisho haatan ku sugan ciidamo boolis ah oo ka socda AMISOM oo ka qeybqaadanaya sugida ammaanka magaalada Muqdisho.
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa guud ahaan soo hagaagayay bilihii la soo dhaafay hase yeeshee waxaa jirtey eedeymo loo soo jeediyo in qaar kamid ah ciidamada dowlada ay dhibaatoyin ku hayaan bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho.