General C/kariim Yuusuf Aadan “Dhagabadan” Oo Ku Baaqay In Taakuleeyo Dadka Ku Nool Deegaanka Nembar 50

Monday, August 6, 20120 comments

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka in ay gurmad bani’aadannimo oo deg deg ah la gaaraan Dadka ku dhibaateysan deegaanka Number 50 oo ay Al shabaab si qasab ah uga qaateen Matooradii lagu kicinayay Ceelasha ay biyaha ka isticmaalayeen.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Somaliayeed General C/kariim Yuusuf Aadan “Dhagabadan” oo caawa saxaafadda Shir jaraa’id ugu qabtay qadka Teleefanka ayaa ballan qaaday in amaanka hay’adaha ay sugayaan maadaama xilliyadii ay shabaab ku sugnaayeen deegaankaasi ay ku marmarsiyoon jireen in aan la tagi Karin oo aysan hayn meel lagu qeybin karo Raashinka gargaarka ah.

General Dhagabadan ayaa sidoo kale ka codsaday dadka ganacsatada ah in ay taakuleeyaan walaalahooda dhibaateysan ee u baahan in la gacan qabto xilligaan adag.

Al shabaab ayaa markii ay jabeen waxa ay bilaabeen in ay bililiqeystaan hantida dadweynaha iyagoo si naxariis daro ah u qaatay Matooradii lagu kicinayay ceelashihii ay biyaha ka qaadan jireen dadkaasi.

Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog